Mudane garyaqaan P.J. (Pierre) Van den Hoogen (1963)

Laga soo bilaabo 1990 ayuu garyaqaan yahay ka dib markii uu soo dhameystey waxbarasho qeynuunka Nedeland ah ee Jaamacadda Katoolikada Nijmegen (1984-1988), waxuu ku sii darey cilmiga qeynuunka nootaayadda isla Jaamacadda Katoolikadda Nijmegen (1989).

Garyaqaan Van de Hoogen wuxuu u shaqeeyaa shaqsiyaad iyo shirkado wuxuu kaloo u shaqeeyaa dadka dhinaca lacagaha laga cawiyo markey xuquuq doon yihiin. Xirfadiisu waxay ku aadan tahay gaar ahaan qeynuunka ajnabiga, taas sidoo kale waxuu ka garab galaa kooxaha kubadda cagta, sida marka cayaartoyda da, da yar lakala bedelanayo iyo hagaajinta sharciyadda ay dalka ku joogayaan. Wuxuu kaloo si hufan uga howlgalaa dhinacyadda qeynuunka heshiisyadda, wuxuu ku metelaa ganacsato caalimi ah dalka Holland. Qeybta xafiiskiisa u qaabilsa ilaalinta xuquuqda ajnabiga waxay fiiro gaar ah siisaa macaamiishooda ajnabiga ah.

 

Wuxuu xirfad u leeyahay aqoonta hoose ee dhinaca qeynuunka shaqsiga, qooyska iyo qeynuunka ciqaabta oo uu markaa macaamiishiisa ku grab istaagayo sidaa daraadeed waa meel farta laysaga soo fiiqo marka dacwooyinka dadka lacagaha la caawiyo ay rabaan garyaqaan sida hayadaha arimaha bulshadda, sida guriyaha lagu hayo haweenka la soo dhibaateeyey, ururka qaxootiga caawiya, uruka arimaha bulshda. Aqoonta gaar ahaaneed ee uu u leeyahay sidoo kale qeynuunka ajnabiga  iyo arimaha kale dhibaatooyin kaga iman kara qofka xaqdoonka ah.

 

Marka laga reebo shaqadiisa garyaqaanimadda wuxuu kaloo mudane Van de Hoogen si fifircoon qeyb uga yahay maamulka urur sidoo kale waa macalin duruus ka bixiya waxbarasho heer jaamacad ee qeynuunka ajnabiga rugta garyaqaanada ay aqoon korosiga u tagaan waxbarashadda garyaqaanimada. Haddii aad dooneysid warbixin dheeraad ah oo ku saabsan koorsooyinka uu bixiyo garyaqaan Van den Hoogen, isla sidoo kale koorsooyinka loogu talagaley aqoon kororsiga garyaqaanada, wuxuu garyaqaan Van den Hoogen idinku hagayaa in aad kala xiriirtaan Websitka www.advocatenpunten.nl.Sidoo kale waa xubin ka tirsan gudiga ilaalinta maamulka maxkamada deegaanka Den Bosch iyo gudiga ilaaliya nidaamka garyaqaanada Den Bosch.

Garyaqaan Van den Hoogen waxaad si toos ah ugala xiriiri kartaa.e-mailkiisa hoogen@vdhradvocaten.nl

 

Mudane garyaqaan L.S.T.H. (Bas) Ruijters (1970)

Laga soo bilaabo sanadkii 1998 ayuu garyaqaan ahaa. Wuxuu cilmiga qeynuunka Nederland ku bartey Jaamacadda qaranka ee magaaladda Utrecht, wuxuuna waxbarashadiisa dhameystirtey 1995 dhinacyadda dhaqaalaha bulshadda, qeynuunka sharikadaha, sidoo kale qeynuunka shaqsiga iyo qeynuunka ciqaabta.

Markii uu waxbarashadiisa dhameystel wuxuu garyaqaan Ruijters noqdey kalkaaliye qaadi maxkamada magaalada Breda. Si isdaba joog ah ayuu uga kala shaqeeyey qeybaha qeynuunka shaqsiga, kan qooyska iyo kan ciqaabta, sidoo kale wuxuu xogxaye ka noqdey gudiga ilaaliya xuquuqda xabsiga dumarka ee magaalada Breda.

Garyaqaan Ruijters Shantii sano ee ugu horeysey wuxuu ka shaqeynayey xafiis garyaqaano aan sidaa u weyneyn ook u yaala Eindhoven sanooyin ka dibna ku taqasusey qeynuunka ciqaabta. Ilaa 2003 dii waxay shirkoobeen Van den Hoogen & Ruijters Advocaten.

Marka laga reebo qeynuunka ciqaabta mudane garyaqaan Ruijters wuxuu ku taqaqusey sharciyadda ajnabiga iyo kuwa magangeliyadoonka, sanadihii sagaashameeyadii ayuu koorsooyin dheeraad ka sameeyey qeynuunada arimahaas la xiriira.

Khibradiisa dheeraadka ah ee uu u leeyahay qeynuunada ciqaabta iyo ajnabiga ma ahan keliya in uu si gooni ah macaamiishiisa ugu garab istaagayo ee wuxuu kaloo ka caawinaya dhinacyadda qeynuunadda ciqaabta iyo ka ajnabiga, waayo haddii dembi lagugu soo oogo waxay wax ku yeelan kartaa sharcigaaga joogitaanka dalka.

Ugu dambeyntii mudane garyaqaan Ruijters wuxuu kugu garab taagan yahay dacwooyinka qeynuunka shaqsiga iyo qeynuunka qooyska, taasoo marmarka qaar la xiriiri kara qeynuunka ajnabiga. Sida furiinka oo mararka qaar waxyaalo dhib ah u keeni kara sharciga aad ku joogto dalka.

 

Marwo garyaqaan J.W.J. (Josien) van den Broek (1985)

Intii ay wax baraneysey ayey waxay ka shaqeyneysey oo ay xoxaye ka aheyd maamulka xafiiska dadka lagaga caawiyo dhinaca sharciyadda. Taa waxaa u weheliya markey ardeyga aheyd in kalkaaliye u aheyd macalin Jaamacadda Maastricht duruusta qeynuunka ciqaabta iyo qeynuunka dacwadda ciqaabta ka bixiya. Bishii juun 2009kii ayey qalin jebisey darajada masterkana ka qaadatey qeynuunka Nederland Jaamacadda Maastricht. Isla maasterka gudihiisa waxay kaloo ku baratey labada weji ee ku aadan qeynuunka ciqaabta cadeyntiisa iyo qeynuunka labiska labada wajina si labanlaab ah ugu gunaanadey qoraarkii qalinjebista iyadoo ku xaqiijineysey booska difaacayaasha markii la hirgeliyey sharciga khibradlaha dacwadda ciqaabta.

Laga soo bilaabo bishii maars 2010ka waxay shaqo ka bilowdey xafiiska garyaqaanada Van den Hoogen & Ruijters. Waxay qabataa guud ahaan shaqooyinka la xiriira dhinacyada qeynuunka shaqsiga iyo ka qooyska iyo kan ajnabigaba. Gaar ahaan waxayna ku taqaquseyaa dacwadaha maxkamada yurub ee xuquuqda aadanaha iyo codsi xalin dhexgal leh.

 

Marwo garyaqaan L.H.M. (Laura) van Rosendaal (1991)

From the 1st of January 2024 you can reach Laura Van Rosendaal on:

telephone : 06-15024602
e-mail : Laura@RPstrafrechtadvocaten.nl