Waxaan hoosta ku sharxi doonaa sida xafiiskeena u shaqeeyo, iyadoo laga reebayo haddii balama kale ay jiraan, iyo sicrkaad ku talageleyshid.

 

hawigalkeena 
sicirka

 

HAWIGALKEENA

Shaqooyinka ay fuliyaan garyaqaanadeena oo la xiriira amarka aad bixisey wuxuu ku saleysan yahay waxqabad dheer ee ku aadan waxaad amarka ku siisey. Tan waxaa awood saaraya garyaqaanka arinka u qaabilsan, laakiin garyaqaanku waxuusan haqiijin karin in ugu dambeyntii dacwadda lagu guuleysto.

Garyaqaanku inta uu shaqada hayo waa in uu xafidaa qodobada u degsan garyaqaanimada. Taa waxaa ka mid ah in mar walba lagula socodsiiyo meesha ay wax marayaan iyo horumsrka laga sameeyey kiiskaada. Marka laga reebo marmarka qaar in si qoraal ah lagugu ogeeysiiyo.

Waxaa adigana lagaa rabaa in aad la socodsiiso wixii isbedel ah ee kugu yimaad sida haddii aad cinwaankaada bedesho ama telefoonkaada. Waxaa kaloo kugu waajiba in in garyaqaanka kiiskaada la socodsiiso wixii isbedel ah ee ku soo kordha.

Haddii kiiskaada uu soo dhamaado, waxaa lagu talageleya in kiiskaada la xiro. Arinkaas si qoraal ah ayaa laguu wargelin doonaa. Feelkaada waxaa lagu xareyn doonaa arkiifiyo kale. Haddii adiga dooneysid inaad feylkaada hesho marka arkiifiyada la gelsho kadib waxaad bixineysaa lacag gaareysa € 27,50 ( feelkiiba). Shan sano ka dib markii kiiska la xiro feelka waa la baabi, inayaa.

Xafiiskeena wuxuu kuugu shaqeyn doonaa si wanaagsan Haddii ay dhacdo in aad ku kalsoonaan weydo shaqadii laguu qabtey, waxaad arinkaa kala hadli kartaa garyaqaanka qaabilsan.

Haddi dhanka garyaqaanka shaqadiisa dhib kaa soo gaarto, maqdhow ahaan waan ka ceymisanahay maqdhowga la bixiyo waxuu ku xadeysan yahay ugu badnaan qiimaha arinkan oo kale ceymisku maqdhow ku bixiyo. Waxaan taa uga jeedna in haddii garyaqaankii inkasto uu dadaaley haddana ku guuleysan waayo, taa micneheedu ma ahan in garyaqaanku shaqadiisa qabsan waayey oo markaa maqdhow loo rabo.

 

kor ku noqo

 

SICIRKA

Qarashka aan kiiskaada u galno sida weydiinta waqadaha uitrekselka iyo qarashka sekretaariyaha maxkamada anaga ayaa si horumarin ah u bixinaa laakiin adiga ayaa lagugu xisaabayaa. Marmarka qaarna si horumarin ah ayaa laguu weydiinayaa. Waxaana kugu waajib ah in aad bixiso qarashkeena shaqadii aan qabaney. Waxaan marwalba garab taaaganahay macaamiisheena ha noqdaan kuwa lacgta iska bixiya ama kuwa lacagta laga caawiyaba Xafiiskeena waxuu xiriir kalsooni sare leh la leenahay gudiga caawinaada sharciga.

Marka aad lacagta iska bixinayo

Haddii aadan adigu aheyn dadka lacagaha laga caawiyo. Waxaanu kuugu shaqeyneynaa in aad adigu lacagta iska bixineysid. Sicirka shaqo qabadkeena waxuu ku saleysan yahay qiimaha saacada sicirka uu xafiiskeena go, aansady. Qiimaha sicirka saacadda waxaauu ku xiran yahay aqoonta iyo khibradda garyaqaanku leeyahay waxayna u dhaxeysaa € 150,= ilaa € 200,= (aanu ku jirin BTW). Waxaan kuugu haynaa sicirka saacadda oo saxan mar walba, taasna waxaad ku arki doonaa boonadda laguugu soo direy. Haddii aad u baahan tahay caymidda waxaad kala xiriiri kartaa garyaqaanka arinkan qaabilsan. Taana waxay ku xiranaan kartaa dacwadda nooceeda iyo inta dakhligaagu la,eg yahay, waxaa dhici kartaa mamarka qaar in ay kala duwanaadaan balantii la galey iyo sicikii saacadda ee horey loo sameeyey.

Marka lacagta lagaa bixinayo

Haddii ay dakhligaada iyo hantidaaduba ka hooseeyaan xadka sharcigu go, aamiyey, waxaa suuragal ah in lacagta caawinaada sharciga lagaa bixiyo. Taa waxay ka dhigantaa in xukuumadda Nederland (qeyb) lacagta garyaqaanka bixiso. Adna waxaa kugu waajib ah in lacagta qeybtaada ka bixiso. Haddii aad dooneysid in aad xaqiiqsato in dakhligaada ka hooseeyo xadka sharcigu go, aamiyey waxaad kala xiriireysaa websitka guddiga sharci caawinayaasha (www.rvr.org). Tani waa hayada codsiyadda lacagaha caawinaada sharciga ka shaqeysa go, aaminayana.

Codsiga caawinaada lacagta sharciga waxaa kuu gudbinaya garyaqaankaada. Si codsigaa loo sameeyo waa in aad keentaa koopi warqadda aqoonsigga. Taasoo lagu cadeeyey nambarka dadka loogu shaqeeyo (BSN-lambar oo markii hore loo yiqiiney Sofi lambarka). Haddii aadan weli lagu siin waxaad keeneysaa lambarka joogitaanka ajnabinimadda cadeya, haddii arinku yahay mid arin xaas aadna wadaagtaan hoyga si wadajir ah, waxaa kugu waajib ah inaad keento Isaga/iyada koopi warqadda aqoonsigga iyo lambarka dadka loogu shaqeeyo (BSN-lambar) ama lambarka ajnabiga. Gudigga caawinaada lacagaha sharciga waxay fiiriyaan dakhliga qoyska inta uu la,eg yahay, waxaa kugu waajiba inaad siiso ciwaanka aad magaaladda kaga qoran tahay.

Gudigga lacagaha caawinaada sharcigga iyagoo tixgelinaya warbixinta aan kor ku soo sheegney ook u saabsan dakhligaada ay weydiisan karaan hayadda cashuuraha, si loo ogaan karo in aad xaq u leedahay lacagta caawinaada sharciga, waxaa la fiirin doonaa dakhligaada labadii sano ugu dambeeyey laga bilaabo sanadka aad codsatey lacagta caawinaada sharciga (waqtigaad dakhliga laheyd). Haddii laguu ogolaado lacagta caawinaada sharcigga waxaa dhici kara in lagu saaro lacag dhankaaga aad bixineysid, lacagta dhankaada ka bixineysid waxay ku xiran tahay inta uu la, ekaa dakhligaada markaad aad dakhli laheyd. Sidoo kale lacagta aad dhankaada ka bixineyso inta ay la ekaan karto kala xiriir websitka gudiga caawinaada lacagta sharciga.

Waxaa dhici kara in hay, adda cashuuruhu aysan weli dakhligaada ugu dambeyntii soo xaqiijin intuu la ekaa markii aad dakhli laheyd, hadey sidaa tahay gudigga caawinaada lacagta sharciga waxay sameyn karaan baaris sanad ka dib markaad codsiga sameysey.

Marka gudiga caawinaada lacagaha shaerigu ay kuu diido inay kaa bixiso sababtabta oo ah dhabtii in dakhligaagu ka sareeyo xadkii sharcigu go,aamiyey, waxaa suuragal ah inaad gudigga wediisan karto in ay sanadkii aad dakhliga lahayd laguu kordhiyo ilaa sanadka la joogo, taasi waxay dhici kartaa keliya haddi dakhligaada si (cadaan ah) hoos u dhac ku yimaado. Codsigaasi waxaad u gudbisan kartaa gudigga caawinaada lacagta sharciga. Hadey arintaadu sidaan tahay waad nala soo xiriiri kartaa, waxaan markaa kuu soo diri doonaa foomka loogu talagaley. Haddii ay dhacdo in kiiskaada faaiido lacageed ka hesho, waxaa suuragal ah in lacagtii lagugu caawiyey dib u soo celisid.

OGEYSLIN: RAQIISIN!!!

Waxaad heli kartaa ilaa € 58,= sicir dhimid lacagta garyaqaanka ah, haddii laguu ogolaado in lagaa caawinayo lacagta garyaqaanka. Marka ugu horeysa waa inaad u taktaa xafiiska sharci caawinta (juridisch loket) kana codsataa inay kuu gudbiyaan garyaqaanadeena mid ka mid ah, waxaanu kuu sameyn doonaa sicir dhimid gaaraya € 58,=, lacagta adiga bixineysidna waxay ku lifaaqan tahay lacagaha lagaa bixinayo.

Cinwaanka laga helo xafiiska caawinaada sharciga:

Telefoon: 0900 - 8020 (€ 0,10 senti minitkiiba)

Websitka: www.juridischloket.nl

Wixii war dheeri ah ee ku saabsan arinkan waxaad kala xiriireysa websitka gudigga caawinaada sharciga (www.rechtsbijstand.nl)

Qarash dheeraadka ah

Xumuumadda ma bixineyso qarashka oo dhan, lacagaha aan ku jirin sistemka lacagaha caawinaada sharciga sida lacagta kalkaaliyaha qaadiga maxkamadda (tani waa lacagta ay qaadato maxkamadda ama maxkamadda sare marka loo soo gudbisto codsi ama racfaan), qarashka warqadda uitrekselka (gemeentada ama rugta ganacsiga), sidoo kale lacagta taksiirayaasha qaarkood, qarashka ku baxa weydiinta warbixinta caafimaadka, qarashka khibradlaha ama markhaatida waxay noqon doonaan mid adiga garyaqaanka kaa qaadi doono.